Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo qaar ka mid ah ganacsatada maamulkaas la xiriirisay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Jubbaland, Korneyl Khaalid Sheekh Cabdullaahi ayaa waxaa uu ka hadlay dhaqaale uu sheegay inay ganacsatada Jubbaland qaarkood siiyaan maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Taliyaha ayaa waxaa sidoo kale uu sheegay inay jiraan ganacsato xiriir dhow la leh Ururka Al-Shabaab, kuwaa oo sida uu sheegay dhaqaale ugu yabooha, una gudbiya xoggo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inaanan ganacsatada looga baahnayn baqdin ay ka qabaan maleeshiyada Shabaab inay lacagahooda u siiyaan, isla-markaana aanay dheg jalaq u siinin in la dili doono, haddii aanay lacagahaasi bixin.

Sidoo kale wuxuu sheegay haddii ganacsatada baqdin ay maanta Shabaab ka qabaan u siiyaan lacago, berrina lagu amri doono inay shaqooyin u qabtaan amaba u fududeeyaan Shabaab, iyadoo markaasi loogu hanjabi doono haddii aanay qaban in la dilaayo.

Taliyaha ayaa ganacsatada reer Jubbaland uga digay inay furaan wado aan horey ugu furnaan jirin, oo sidii doono ay suurtagal tahay in looga fusho.

Taliyaha ayaa wuxuu ganacsatada ku amray inaysan jideenin wado kale oo dadweynaha ugu cadaalad doontaan Shabaabka hubeysan ee dagaalka dalka ka wada, haddii ay Shabaabku yihiin cadow gumaadaya shacabka Soomaaliyeed, sida uu yiri.

Korneyl Khaalid Sheekh Cabdullaahi ayaa hoosta ka xariiqay inay hayaan cadaymo muujinaya xiriirka ay ganacsatada qaarkood la leeyihiin Shabaab, waxaase uu ku goodiyay inay goobahooda ugu taggi doonaan, haddii aanay joojin la shaqaynta Al Shabaab.

Korneylka ayaa wuxuu hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo gelinkii dambe ee Khamiistii uu ku qabtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this