Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar khasaare dhaliyey ka fulisay gudaha dalka KENYA

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysnaa oo saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka ku yaalla Xeebta ee dalkaasi.

Weerarka oo dhabo gal ahaa ayaa waxaa lagu dilay labo Haween ah oo ka mid ahaa shaqaalaha Jaamacadda Ukunda ee magaalada Mombasa, gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu dhacayey weerarka ay dadkaasi la socdeen gaari ay leedahay Jaamacadda oo ay saarnaayeen shaqaale, arday iyo ciidamo Boolis ah oo ilaalo ka hayey gaarigaasi, balse ay la kulmeen weerar gaadmo ahaa oo lagu soo qaaday.

Taliyaha Booliska gobolka xeebta oo ka hadlay dhacdadab ayaa sheegay inay ku raad joogaan dableydii ka dambeysay weerarkaasi oo goobta isaga baxsaday.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ragga weerarka  fuliyey ay ku dhuumaaleysanayaan dhulka Keymaha, balse ay ka  daba tagi doonaan

Ammaanka gobolka Waqooyi Bari ayaa ah mid halis ah, waxaana waddooyinka gobolkaasi weeraro ka fulisa Al-Shabaab oo inta badan beegsata gawaarida isaga kala goosha deegaanada dhaca xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Muddooyinkii dambe weerarada Al-Shabaab ee gobolka ayaa ahaa kuwa xoogan, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa ciidanka Kenya ay ka howlgala halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this