Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalad kacsanaan ah oo weli ka jirta magaalada Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Hargeysa ayaa sheegay in sheegaya in maanta ay xaaladdu kacsan tahay, kadib markii ay isku dhaceen taageerayaasha Wadani iyo laamaha amniga.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo la geeyey xarunta weyn ee xisbigaasi ayaa la sheegay in ay isku dayeen inay is hortaag ku sameeyaan dadkaasi iyo hoggaanka xisbiga, taas oo sababtay isku dhac sababay khasaare u badan dhaawac.

Taliyaha Boolsika Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhe oo ka hadlay shaqaaqadaasi ayaa sheegay in dhibaatada ka dhacday halkaasi ay qaadayaan mas’uuliyiinta xisbiga Wadani.

Dhankiisa C/raxmaan Cirro oo ah guddoomiyaha xisbigaasi ayaa eedeyn u jeediyey xukuumadda Muuse Biixi, wuxuna sheegay in la rasaaseeyey, xilli uu doonayey inuu gudaha galo xafiiskiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Arrintan ayaa waxa ay sii xoogeysatay, kadib markii xalay ciidanka Boolisku ay xireen xoghayihii iyo afhayeenka xisniga mucaaradka ee Wadani.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this