Sign in to follow this  
Deeq A.

Kolonyo uu la socday wasiir Galan oo la rasaaseeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Kolonyo gaadiid ah oo uu la socday wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan ayaa maanta lagu rasaaseeyey degmada Carmo ee gobolka Bari.

Falkaasi ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyeen ciidamo maleeshiyaad ah oo uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabom Ciise Yulux, kaas oo dhowan qabsaday Boosaaso.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay rasaastaasi, basle waxaa la sheegay in ilaalada wasiirka ay sameeyeen iska caabin.

Xaaladda ayaa hadda, waxaana lagu soo warramayaa in waxgaradka deegaanka ay ku  guuleysteen xalinta xiisadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this