Deeq A. Posted November 12, 2019 Muqdisho (SMN) – Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa lagu waramayaa in ay dib soo celiyeen gudoomiyeyaashii degmooyinka Beled Xaawo, Luuq iyo Doolow. Illo wareedyo ayaa u sheegay idaacadda Shabelle ee magaaladda Muqdisho in xubnahaan laga watay hoygooda lana geeyay wadanka Itoobiya. Warbixinadda ayaa daboolka ka qaadaya in lagala hadlay tacadiyo shacab loogu geystay gobolka Gedo, taas oo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe ka dambeeyo. Mas’uuliyiinta ayaa la sheegayaa in ay iska fogeeyeen eedeymahaas, waxayna meesha ka saareen in ay wax kaalin ah ku lahaayeen. Wararka ayaa inaas ku daraya in laga codsaday in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si cadaaladda loo geeyo cidii geysatay xadgudubyaddaas. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Ciidanka-Itoobiya.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites