Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdigii Shariif oo la fasaxay, una duulay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya garoonka Aadan Cade ayaa sheegaya in goor dhow la fasaxay wafdi uu hoggaaminayo, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, islamarkaana uu qeyb ka yahay, Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo ku sii jeeda degmada Beledweyne.

Diyaadarada qaaday wafdigan ayaa muddo lagu xayiray gudaha Aadan Cadde, kadib markii garoonka Ugaas Khaliif ay saameeyeen roobab ka da’ay magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in markii la hubiyey in duulimaadyadu ay ka dagi karaan garoonkaasi la fasaxay diyaadii u kireysneyd wafdiga madasha xisbiyada Qaran.

Ujeedka wafdigan ayaa ah sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladaha dhanka nolosha ee ka taagan halkaasi.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa saaka ka baaqday safar uu ku gaari lahaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran.

Ilo ku dhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa Shabelle u xaqiijiyey in dib dhaca uu yimid, kadib roobabkii xalay ka da’ay  degmadaasi.

Shalay ayey aheyd markii Ra’iisul wasaare Khayre uu booqday degmada Bardaale ee gobolka Baay oo ka mid ah meelaha ay sida daran uu sameeyeen fatahaaduhu.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this