Sign in to follow this  
Deeq A.

Abdul Qadir Mumin oo wacad ku maray in uu daacad u noqon doono hoggaanka cusub Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha garabka Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland(Somalia), ayaa wacad ku maray in uu daacad u noqon doono hoggaanka cusub ee loo magacaabay ururka Daacish, kadib markii la dilay Abu Bakr al-Baghdadi.

Garabka Daacish ee Soomaaliya, ayaa barta internet-ka ee Telegram ku baahiyay sawirka hoggaamiyahooda,  Sheikh Abdul Qadir Mumin oo geed hoostiis fadhiya, islamarkaana ay weheliyaan xubno ka tirsan kooxda.

Qoraal kooban oo la soo raaciyay sawirka, ayaa Sheikh Abdul Qadir Mumin ku ballan-qaadayaa in uu daacad u noqon doono hoggaamiyaha cusub ee urur weynaha Daacish, Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurashi.

Hoggaanka cusub ee Daacish ayaa la magacaabay, kadib markii ciidamada Maraykanku ay 26-kii bishii tagtay ee October hawlgal qorshaysan ku dileen hoggaamiyihii hore ee ururkaasi Abu Bakr al-Baghdadi.

PUNTLAND POST

The post Abdul Qadir Mumin oo wacad ku maray in uu daacad u noqon doono hoggaanka cusub Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this