Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax iyo dagaal culus oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan sideed ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay kadib markii qarax uu saaka ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob muwaacino lagu qaybinayey oo ku taala degmadda Qoryooley ee gobolkaas, sidda ay sheegeen illo dadka degaanka ah.

Dhinaca kale, dagaal culus ayaa ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray tuulada Mushalaay oo u dhaxeysa Gaabarow iyo Kabtan Laas.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka oo la aaminsan yahay in uu geystay waxyeelo labadda dhinac ah soo kala gaarey.

Xaaladda degaanadda ay wax ka dhaceen ayaa degan, waxaana mas’uuliyiinta ay yihiin kuwa aanan wali wax war ah kasoo saarin.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/AWQ.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this