Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo bilaabay olole dadka lagu barayo Luuqada Carabiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Qaar kamid ah deegaanada ay ka taliso Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ka bilowdo olole ay ugu magac dareynta Carabiyeynta Dadka oo loola jeedo in dadka la baro Luuqadda Carabiga.

Ololahaan ayaa wuxuu si gaar ah uga bilowday  gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya halkas oo Bulshada la bilaabay in la baro Luuqadda Carabiga isla markaasna looga guurayo luuqadda Af-Soomaaliga.

Al-shabaab ayaa amar ku siiyay dhammaan shacabka ku nool degaannadaasi, in ay bartaan luuqadda Carabiga iyo in ay Carruurtooda ku barbaariyaan barashada iyo ku hadalka Af-Carabiga, si loo hirgeliyo ol’olaha Carabiyeynta.

Sheekh Max’med Abuu Cabdalla oo ah Gudoomiyaha Goboladda Jubbuyinka ee Al shabaab  oo ka qeyb gelayay munaasabad lagu furiyay mashruuca dadka luqadda carabiga lagu barayo ayaa bogaadiyay tallaabadan.

Guddoomiyaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay bartaan Luuqadda Carabiga ilmahana la baro si ay ugu fududaato Barashada Diinta Islaamka sida uu hadalka u dhigay .

Guddoomiyaha ayaa dhammaan maamulada Iskuulada ku amray inay manhajka waxbarashada ka dhigaan Luuqadda Carabiga oo kaliya.

Wuxuu ku hanjabay inay tallaabi sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cid kasta oo  diida amarka kasoo baxay Kooxda Al-Shabaab oo ah in dadka la baro luuqadda Carabiga iyo in Manhajka iskuulaadka laga dhigo Luuqadda Carabiga oo kaliya.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa ganacstada ku amray in boorarka Goobaha Ganacsiga ay ku qoraan Luuqadda Carabiga halkii lagu qori lahaa midda Af-Soomaaliga.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Guddoomiyaha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this