Deeq A. Posted November 1, 2019 Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $459.5 Milyan. Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, badankeed waa mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 bil waliba. Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, oo gudoomiyey shirka, ayaa shaaciyey in xukuumadda ka go’an tahay daryeelka askarta. Ciidamada Soomaaliya ayaa horey u qaadan jiray $100, waxaana ay tani ka dhigan tahay in la laba jibaari doono sanadkii hore. View the full article Share this post Link to post Share on other sites