Sign in to follow this  
Deeq A.

Dedaalada DFS ee gurmadka fatahaadaha oo la bogaadiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Golaha Odayaasha beelweynta Mogadishu Clan ayaa wuxuu soo dhaweeyay gargaarka ay dowladda gaarsiineyso degaanadii uu ku fatahay Webiga Shabelle.

Caasimadda gobolka Hiiraan ee Beledwayne, ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee uu Webigu ku fatahay, waxaa la filayaa in loo gurmado dhowaan.

Cabdinuur Axmed Diiriye, afhayeenka golahaas, ayaa Ummadda Soomaaliya ku booriyey in ay u istagaaan ka qeyb-qaadashadda gurmadka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dedaal badan waxay ugu jirtaa sidii ay gurmad u gaarsiin lahayd degaanada uu ku fatahay Webiga Shabeelle iyo midka Jubba.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Mogadishu Clan.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this