Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoysas ka cararay dhibaato ay Al-Shabaab ku sameysay oo soo gaaray magaalada…

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimadda Online) – Boqolaal qoys oo kasoo barakacay deegaanno ka mid ah gobolka shabeellada hoose ayaa waxaa ay gaareen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Qoysaskan ayaa waxaa ay ka ka tageen Tuulo lagu magacaabo adeerow iyo deegaano kale oo u dhow degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Maamulka Degmada Baydhabo ayaa  sheegay iney soo dhoweeyeen dadkan, ayna u sameynayaan dib u dejin.

Qaar ka mid ah qoyaska soo barakacay ayaa sheegay in sababaha ay u soo carareen ay tahay kadib markii Al-shabaab ay dalbadeen in caruurtooda ku wareejiyaan, taasina ay walaac xoogan ka muujiyeen.

Dadkaas ayaa diiday inay ilmahooda ku wareejiyaan Al-Shaabab, waxayna taas keentay inay Al-Shabaab awood u adeegsadaan oo qaar ka tirsan ilmahooda wataan.

Al-Shabaab ayaa falal noocaan oo kale ah ka sameeyey meelo badan oo ka tirsan Soomaaliya, waxaana horey looga barkacay Xarardheere kadib markii ay kaxeysteen 150 carruur ah.

Carruurta ay wataan Al-Shaabab ayaa waxaa laga dhigaa askar, qaarna waxaa loo diyaariyaa in lagu fuliyo qaraxyada lala beegsado Xarumaha Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this