Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo ka hadlay khilaafka Jubaland iyo Dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyey in ay rajeynayaa in xal laga gaaro khilaafka Jubaland iyo dowladda.

Deni oo warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayaa daboolka ka qaadey in ay go’an tahay kaalin ay ka qaataan soo afjaritaanka ismaandhaafka labadda dhinac.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in kala aragti duwanaanta lagu dhameyn karo is-faham, wada hadal iyo is-qanci.

Hadalkan ayaa sheegay kadib markii uu soo gabagabeeyay socdaalkiisa Kismaayo oo uu kaga qeybgalay caleema saarka Axmed Madoobe.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in aysan aqoon-saneyn Axmed Madoobe, waxayna xustay in ay doorasho kale qabaneyso.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/DA.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this