Sign in to follow this  
NASSIR

Learn your culture and history: Koora-Dadab--Cishqi iyo Colaad

Recommended Posts

NASSIR   

"Koora-Dadab waa taariikh run ah oo dhacday badhtamihii qarnigii ka horeeyey Daraawiishta. Dhammaan dadka ku xusani waa dad jirey oo la yaqaano iyaga iyo tafiirtoodiiba.

 

Waxay sheekadu ku kooban tahey guud ahaan laba qaybood oo waaweyn; tan hore oo ah colaad dhex martey laba beelood oo ood iyo ab wadaag ahaa, tan labaadna waa jacayl dhex marey dhalinyaro labadaas beelood ka mid aheyd.

 

Sheekadani waxay xanbaarsan tahey nuxur aad u balaadhan oo ah taariikh dhab ah, suugaan aad u wacan, hiddihii iyo dhaqankii Soomaaliyeed oo dhan walba leh. Waxaad ka heli doontaa dhacdooyin yaab leh oo xaqiiqo ah lehna faa'iidooyin badan. Sidoo kale waxaad heli doontaa lixdineeyo gabay, boqolaal maahmaahood, heeso noocyo kala duwan leh, halxidhiyaalayaal badan, sarbeebo iyo murti aan la soo koobi karin.

 

Buuggani wuxuu akhristaha si fiican uga jaahil saarayaa una soo koobayaa wax kasta oo la xidhiidha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo nolosha miyiga qof kasta oo aan arag amaba tegin ka siinaya sawir dhab ah. Waxaa kaloo ka baraneysaa habka ay isu guursadaan dadkeena reer guuraaga ah isuna dhex galaan. Sida gabdhaha reerohooda loo weydiisto ama loo ardaa dhigo, sida loola baxo haddii turunturrooyin isku kaa gudbaan, sida sooryada iyo gabaatiga iyo yaradka loo kala qaato, qaabka iyo caadooyinka arooska miyiga bilow ilaa dhamaad fal ahaan ama hadal iyo heeso ahaanba.

 

Qoraaga Axmed Maxamed Cabdi-Kulumo waa nin aqoon dheer u leh taariikhda, hiddaha iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed, oo weliba aad u jecel ururinta, qorida, adeegsiga, iyo ilaalinteedaba. Sidoo kale waa abwaan hal-abuur badan leh.

 

"Waxaan buugga qalinkii koowaad u qaadey sannadkii 1983 anigoo ilaana waqtigaana ku dedaalayey hubinta iyo sixidda sheekada, anoo mar walba ka taxadarayey soo bandhigida taariikh kala dhiman ama suugaan qabyo ah."By the author.

It's 255 pages. Great book that should have been written long time ago.

 

 

KOORA-DADAB

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

The SOL Koora-something dude miyaa qorey sheekada by any chance? LOL.

 

Originally posted by Caamir:

Waxaa kaloo ka baraneysaa habka ay isu guursadaan dadkeena reer guuraaga ah isuna dhex galaan. Sida gabdhaha reerohooda loo weydiisto ama loo ardaa dhigo,
sida loola baxo haddii turunturrooyin isku kaa gudbaan
, sida sooryada iyo gabaatiga iyo yaradka loo kala qaato, qaabka iyo caadooyinka arooska miyiga bilow ilaa dhamaad fal ahaan ama hadal iyo heeso ahaanba.

:D . What exactly does that highlighted part mean?

 

I've heard of some horrific (regional) miyi customs regarding sheekoynka guurka, particularly concerning the abuse of women (not that the author would choose to narrate such elements). Caadoyin badan baa ku saleysnaa pure jaahilya notions, and were blatantly haram.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I've read the book about a month ago and it is really good. I'm preparing to write a review in the coming month Insha Allah.

 

 

Great book indeed.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

There's no such thing as pure jaahiliya notion. Don't contempt your culture sister. Turunturooyin are obstacles. How to marry a girl if you face obstacles, that is what it means

 

 

Jacaylbaro, I look forward to your review. Post it here man.

 

Dabshid, yeah the distribution to America did lag behind Europe and Australia, I guess. the book is great

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haneefahtul mu;minah.. Baayo anigaa qorayee rating fiican isii... I wish inaan luuqadayda Hoose sidaas qani ugu ahaan lahaa.

 

Buugan waxyarbaan aqriyey... afsoomaaliga uu ku qoranyahayna waa mid qani oo aan laga bogan karin, miisaan culusna ku fadhiya. Insha Allah waan dhamaystirayaa hadii Alle idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

^write ur own review. I still have to seek your insight of the poems in the book saxib ileeyn Abwaan baad tahaye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Baydan………….war summaddiinnu badanaa, waa maxay summadahan isma dhaxashada ahi?” bogga 126aad, tuduca 1aad.

 

Waxa aan nasiib u helay in aan akhriyo kana bogto buug kal hore soo baxay oo loogu magacdaray ‘Koora Dadab: Cishqi & Colaad’. Buugga waxa qoray oo ku farayareystay Axmed Maxamed Cabdi-Kulumbo oo loo yaqaan “Dareewal” kuna sugan Hadaaftimo. Baallaha buuggu waa 260 bog oo mid waliba uu gaarkiisa u buuxo. Waa buug marka aad akhriskiisa bilowdo maankaaga si sahlan u hantinaya ilaa aad dhammeyso, haddii aad tahay ruux adkeysi u leh akhriska. Dusha hore waxa ku goglan aqal Soomaali, seddex geed-saraad & berrin dihin oo cagaar badan barwaaqana ka hillaacyso. Dhanka dambe waa ereyo ku saabsan qoraaga, taswiirtiisa & afar faras oo is baacsanaya.

 

Aniga & inta ila da’da ah ee mar uun nasiib u heshay in ay ku barbaaraan goob dhaqanka & sooyaalka Soomaalidu sees adag u yahay kuma cusba cinwaanka buugga loo xushay ee ‘Koora Dadab’, waxase laga yaabaa in aannu sheeko-baraley uun u haysanney oo sebigiyo dhallaanka uun in lagu sasabo ay noogu dhadhami jirtey ama nalookuguba sheekeyn jirey. Qoraaga buuggani waxa uu na barayaa mid taa ka duwan oo sheekadii oo dhab u eg uuna weliba dhabeynayo jiritaankeeda ayuu si deeqsinnimo & hal-abuurnimoba leh noogu soo bandhigayaa.

 

Sheekadu waxa ay ka kooban tahay guud ahaan laba unug oo waaweyn oo midina colaad, hanfi, kulayl, dhac, boob & xatooyo hillaaban tahay, tan labaadna ay barwaaqo, kalgacal, nabad, baraare & beerlul cishqi ku xiddeysan tahay.

 

 

Waa reer Sanaag & reer Bari oo mid waliba Sarreeye barwaaqo, nabad & caano uu u lukiyey. Waa bahdoo is dhex deggan oo aan wax cabsi ah kala qabin; waa guud haldhaalley oo hadba gebigay doonto arigeeda ula tillaabaysa inankay ka heshana si gobonnimo leh cidahooda ugu soo tilaamaysa oo gabaati & yarad la is weydaarsanayo xooluhuna ay xeryaha xididka ku wareegaaleystaan oo summadahoodii la kala garan waayey. Waa laba bulsho oo isku milantay oo abti & adeer miiran isku wada ah. Halkaa ayuu Axmed sheekada qaybteeda hore nooga bilaabayaa oo uu in cabbaar ah nagu mayracayaa.

 

Collaad lagu gablamay ayaa goor dambe dhacaysa, fardo magac dheer ayaa la kala qaadayaa oo dhanka Bari u iillanaya, gar baa la isku dhiganayaa sidii dhaqanku ahaa, waase lagu hungoobayaa halkaa ayuuna taxa sheekada ka soo gelayaa Koora Dadabkii aynnu u niqiin “Dambas Jiif” oo weliba magac dhab ah yeelanaya waxana uu noqonayaa Cabdalla Axmed Samatar “Raad-wanle” oo basaas ah sidii aynnu waa horeba maqli jirney.

 

Koore Dadab collaaddii fardaha ee reer tolkii lagu dhacay uuna darraaddeed isku dulleeyey mid ka daran oo hoog & hantaawilif ah ayuu garwadeen ka noqonayaa, halkaa ayayna beelihii beryo wada oolli jirey, garabkana isku noqon jirey, xididka & xigtadaba ahaa ee aan la kala garan jirin arrintood waxa ay ku dambeynaysaa is ugaarsi oo ay uur ahaan & awr ahaanba ugu kala guurayaan Bari & Bogox.

 

Sheeko buug lama wada dhammeeyo oo nuxurka lagama dillee waa dambe ayaa waxa billaabmaya unugga labaad ee sheekada oo dhallin collaadihii kala fogeeyeen ayaa kalgacal gaamurey & dab ku shidnaa intii la sii kala jeedey isku deminaya oo xididtinnimo cusub & nabad caano lehba reerahoodii waa isku wacnaa goor dambase kala guurey awgood uu Eebbe faraj uga furayaa. Dib baa la isku soo laabanayaa, waa la wada xaajeysanayaa, waa lakala gar qaadanayaa oo imika dantii waa laga boodi jirey ayaa la wada garwaaqsanayaa dabadeedna nolol cusub oo barwaaqo & nabadba leh mar kale la waadagayaa.

 

Axmed “Dareewal”, waxa uu sheekada ku aslayaa af macaan oo saafi ah, ereyo si xeel dheeri ah loo xushay, maahmaaho, masalooyin, gabayo & weliba suugaan jabaqeed tii hawleedna ayan ka marnayn. Maahmaah waliba oo uu meel ku tiiriyaa taam bay ku tahay halka ay ku jirto. Sheekooyin badan oo jabaq uun ahaa ayuu isku tol-tolay oo sheeko qurux badan oo run u eg ka soo saaray. Waayeel uu wareystay ayuu markhaati uga dhigayaa sadaradiisa & sooyaal-ka-sheekeyntiisaba.

 

Intaa kolka laga yimaado waxa uu qoraaga buuggani uu sawir buuxa ka bixinayaa dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaalida intiisii kharaarayd & intiisii macaanaydba. Waxa uu buuggiisa ku soo bandhigayaa ereyo gaboobey oo waa hore malaha dadka badidi ay ugu dambeysey, markaasuu weliba iyagoo mutuxan kaaga tegi uu maayee mid walba sida ugu fudud kuugu macnaynayaa, Masha Allah……..farshaxannimo iga dheh!

 

Xoolihii, ugaartii, deegaankii, xaygii dhirta & dhirtiiba wax weyn ayuu ka bidhaaminayaa buuggani. Habar dugaag & aynigeed toosh weyn ayuu ku ifinayaa magacyo badanna wuu nooga soo dheegey. Fardaha, magacyadooda, midabkooda & tayadoodaba wax buu ka iftiinshey. Aqal Soomaaligii, sida loo dhiso, waxa uu ka sameysan yahay & xilliyada nurkaba wax weyn ayuu naga barayaa.

 

“Waxi la ammaanaaba ma ebyoona e’”, buuggu guud ahaan waa sooyaal nololeed bulsho oo daryeel mudan, waxase laga saluugi karaa sida loo hormeeyey ama saddaradiisa loo jaan gooyey oo aan isku hufnayn hawl badanna u baahnaa ka hor intii aan daabacadda la gelin. Dhanka higgaada marmar ayaa lagu saxanayaa oo gaar ahaan xarfaha labanlaabma ayaan saani loo hubin sida “Eebbe” oo buugga ugu jira meel walba “Eebe”.

 

Marka uu qoraagu ka hadlayo Aw Muuse Ismaaciil Samatar & gabaygii Darbadaaley, in uu gabay tiriyey & dhawr sadar oo ka mid ah uun buu nooga tegayaa isaga oo aan noo sheegin wixii dhacay ee uu gabaygu sababay. Halkaa saluug baa ku jira oo in laga sii sheekeeyo ayey mudnayd, in kasta oo laga yaabo in uusan ka ilduufin ee uu oggaal uga tegey maadaama ay ahayd suugaan collaadeed oo uu malaha boogteeda diidayey, wallow ay hadda sheeko uun tahay.

 

Waxa kale oo dhalliisheeda leh tiiyoo ay wacnayd in uu qoraagu dadka uu wareystay soo bandhigo xilliyadii & goobihii uu la kala kulmay & inta goor oo uu ruux walba wareystay. Way fiicnaan lahayd iyana in tixaha ku jira buugga uu hoostooda ku qori lahaa qofka u mariyey & qofka ka saxay kii mariyey, imikase waxa ay u ekanaysaa in uu laftigiisu xilligii la mariyey joogey oo uu kaydiyey sidaa darteedna aanu cidna marti uga noqon xogtaa helliddeeda.

 

Isku soo wada duub oo buuggani waa dhaxalgal, khaladaadka yaryar ee aan sheegay ama ka ilduufayna waa kuwo si sahlan loo sixi karo goortii ay noqoto in mar labaad la daabacayo ayse tahay in loo dhug lahaado.

 

Mar waa dambas jiif

Marna waa Koora Dadab

Marna waa kii lahaan jirey!

 

 

Anwar Maxamed Diiriye

Anwar@Usfamily.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this