Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Suxufiyiinta Puntland oo amray in aan dheg jalaq loo siin hadalka Wasiir Sabareey

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP, Maxamed Daahir Caynsane oo hadda warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka jawaabay hadal shalay ka soo yeeray wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey) oo ahaa in ay isa soo diiwaan-geliyaan dhammaan suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqada diiwaan-gelinta suxufiyiinta iyo xarumaha Warbaahinta Puntland uu leeyahay Guddiga sare ee warbaahinta Puntland, balse aysan lahayn wasaaradda warfaafinta Puntland, waxaana uu soo bandhigay Xeerka Warbaahinta Puntland oo faahfaahinaya arrimahaasi.

Mudane Caynsane ayaa sheegay in wasiirku uu inta seexday isaga soo toosay isagoo aan akhrin xeerka warbaahinta Puntland waxaana guddoomiyuhu warbaahinta ku amray in aysan dheg jalaq u siin hadalka wasiirka.

PUNTLAND POST

The post Ururka Suxufiyiinta Puntland oo amray in aan dheg jalaq loo siin hadalka Wasiir Sabareey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this