Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo shuruud adag hor-dhigtay Warbaahinta Madaxa-bannaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey) oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa shaaciyay shuruud adag oo la hor-dhigayo suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland.

Wasiirka ayaa amar ku bixiyay in dhammaan suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland ay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda warfaafinta ka hor 15 bisha soo socota ee October waxaana uu tilmaamay in aan suxufi loo aqoonsan doonin qofkii aan is diiwaa-gelin wakhtigaasi ka hor.

Mudane Sabareey ayaa sidoo kale amray in ay is diiwaan-geliyaan dhammaan xarumaha warbaahineed ee ka hawlgala degaannada Puntland si loola socdo shaqada ay ka hayaan gudaha Puntland.

Wuxuu sheegay in kadib markii la diiwaan-geliyo suxufiyiinta iyo xarumah warbaahineed baaritaan lagu samayn doono aqoonta iyo khibradda suxufiyiinta islamarkaana aqoonsiga lagala noqon doono suxufigii aan haysan xirfad ku filan.

Puntland post

The post Dowladda Puntland oo shuruud adag hor-dhigtay Warbaahinta Madaxa-bannaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this