Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Hawada Sare U Diraysa Dayax-gacmeed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Machadka Hawada sare, Saayniska iyo Teknooloojiyadd Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday Dayax-gacmeedki hawada sare looga diri rabay dabayaaqada bishan uu dib u dhac ku yimid.

104226100_-2.jpg

Agaasimaha guud ee machadkaasi Dr Solomon Balay oo BBC u warramay wuxuu sheegay Dayax-gacmeedka Itoobiya ay sameeysaneyso noociisu inuu yahay nooca dhulka meera ee loo yaqaanno (Earth Observation Satellite).

Dib u dhaca ku yimid dayax-gacmeedkaasi ayuu ku sheegay iney uga wacan tahay xaruunta tijaabada ugu horreysay laga sameyn lahaa ee ku taallo dalka Shiinaha roobab ma hiigaan ah oo ka da’aya ay tijaabada hakiyeen.

“Dhismaha iyo sameynta dayax gacmeedka waa la dhammeystiray balse inta aan tijaabada ugu horreysa lagu sameyn maadaama aan dayaxgacmeedka hawada sare loo diri karin ay tijaabada waxaa ku timid dib u dhac” ayuu yidhi Dr Solomon Belay.

“Waxaana la rajeeynayaa in Dayax-gacmeedkaasi hawada sare loo diro bisha December ee sanadkan 2019”.

Dayax-gacmeedkan ugu horreeya ee ay Itoobiya hawada sare u direyso oo miisaankeedu yahay 70 kiilo waxaa loo adeegsan doonaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xiriira beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaalooyinka.

Waxayna awood u leedahay 54 maalmood iney dunida oo dhan ku soo wareegto, Itoobiyana 4 maalmood.

Machadka sameynta dayax-gacmeedkan hirgeliyey ee Itoobiya waxaa marki ugu horreysay la aasaasay 2016-ka, iyada oo ay machadku u qorsheysan tahay ilaa iyo 2025-ka inuu hawada sare uu u diro dayax gacmeedyada dalka uu u baahan yahay oo dhan.

Itoobiya oo ka mid noqoneyso 7-da dal ee qaaraddan Afrika oo yeesha dayax-gacmeed iyaga u gaar ah, waxaa horay dayax gacmeedyo hawada sare u diray waddamada Masar, Koonfur Africa, Nayjeeriya, Ghana, Angola iyo Kenya

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this