Sign in to follow this  
Deeq A.

Korneyl Caare oo soo bandhigay qodobo uu kula heshiiyey Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Kornel Siciid Cawil Jaamac (Caare) oo hoggaamiyo jabhadda la magac baxday Dulmi Diid ayaa faahfaahin ka bixiyey wada-hadallo uu kula jiro Somaliland.

Korneyl Caare ayaa marka hore xaqiijiyey in labada dhinac ay u socdaan wada-hadallo guul laga gaaray

Wuxuu shaaciyey in la isla gartay saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:

1 In nabad la raadiyo

2 in xabad joojin la sameeyo

3 in wada-hadallo la furo.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan odayaasha dhaqanka ee garwadeenka ka ah wada-hadalladan ay shaaciyeen in Korneyl Caare uu aqbalay inuu la heshiiyo maamulka Somaliland.

Caare oo horay uga soo goostay Somaliland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ciidanka maamulkaasi kula dagaalamayey gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa 
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this