Sign in to follow this  
Jacaylbaro

CITY CENTER HOTEL

Recommended Posts

SDWO (Hargeisa 01/02/08) Xaflad balaadhan oo xadhiga lagaga jaraayay Hotel Cusub oo laga furay magaalada Hargeysa ayaa xalay lagu qabtay xarunta Hotelkaasi. Hotelkan cusub ayaa la yidhaahda City Center Hotel.

 

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxa ka soo qayb galay wasiiro ay ka mid ahaayeen wasiirka Howlaha Guud Mr Siciid Sulub,wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka Mr C/risaaq waaberi Rooble,Maayarka Hargeysa Eng. Xusen Maxamuud Jiciir,Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Md C/raxmaan Faarax Sugaal,Xoghayaha Rugta Ganacsiga Md C/laahi Diiriye Jaamac, Ganacsato, culima`udiin iyo marti sharaf kale oo aad u badnayd.

 

Ugu horayn waxa halkaasi hadal warbixina ka jeediyay Cismaan Kaahin oo ka mida Mulkiilayaasha Hotel-ka waxana uu sheegay in ay ugu talo galeen in ay ka qayb qaataan horumarinta wadanka iyo sidii ay dhanka kalena dhaqaale u soo galin lahaayeen wadanka maadama uu Hotel-kani rabo in uu wadanka u fududeeyo sidii ay dalxiisayaashu wadanka ugu soo hiran lahaayen iyo waliba ka qayb qaadashada shaqaalaysiinta wadanka.

Waxa uu Mr Cismaan Kaahin sheegay in ay halkaasi ka sii wadi doonaan howlaha ay rabaan in ay waddanka ku soo kordhiyaan. Waxa kale oo uu sheegay in ay mustaqbalkana wax badan wadanka ku soo kordhin doonaan.

 

Waxa uu Mr Cismaan Kaahin sheegay in Hotelkan cusub la yidhaahdo CITY CENTER HOTEL ay kaga duwan yihiin waxyaabo badan marka loo eego hotel-adii hore ee Hargeysa ku yaalay gaar ahaan dhanka adeega (Service)

 

Maayarka Magaalada Hargeysa Eng. Jiciir ayaa isna si weyn ugu mahad naqay raga dhisay Hotel-kan oo uu sheegay in uu wax badan ku soo kordhiyay bilicda Caasimada, waxana uu sheegay in uu la garab taagan yahay wax kasta oo ay uga baahdan D/Hoose ee magaalada Hargeysa. Waxa uu ku dhiiri geliyay dhamaan ganacsatada wadanka in ay ku daydaan ganacsatada sedan oo kale wadanka u dhisaysa

 

Wasiirka Howlaha Guud Md Siciid Sulub Maxamed ayaa isna hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay ka soo qayb galka Hotel-kan oo kale maadama ayuu yidhi wax badan uu ka qayb qaadanaayo dhanka arrimaha bulshada iyo ganacsiga wadanka

Waxa uu ku amaanay dhalinyarada iyagu sidan oo kale wax isugu darsaday. Waxana uu sheegay in ay iska ilaaliyaan wixii tafaraaruqa ee ku iman kara howlahooda.

 

Ugu dambayntiina waxa halkaasi xadhiga ka jaray wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka Mr C/risaaq Waaberi Rooble iyada oo uu ducana la garab taagnaa Sh. Maxame Sh. Cumar Dirir.

 

Hotelkan cusub ee City Center Hargeysa ayaa noqonaaya mid ka mida Hotelada ugu casrisan ee laga dhiso magaalada Hargeysa iyada oo uu dheer yahay waxyaabo badan oo uu ku soo kordhiyay amase dheer yahay Hotel-ada ka dhisan Magaalada Hargeysa.

 

 

 

hotelka.jpg

IMAG7621.JPG

IMAG7637.JPG

IMAG7626.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
winnie   

i mean, it can easily just turn into a boys club. what do the gallos call it? those sports clubs that exclude women? i forget the title, but thats what those pics remind me of. what are u doing in somalia, btw?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^Correction, you mean Somaliland right? :D

 

Haayee meeyeen hablihii, ma ineey huudheelka soo galaan baa loo diiday? Teeda kalena maxaa odayaasha biyo cad loogu beergoynaa, maa sharaab iyo kooko iyo biibsi iyo faanto la siiyo? :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Jac, Nice pics. Keep them coming, bt next time do add some ladies....

 

waxan is idhi odayaashan ka cabsoodeen bt then ya niman somaliyeed meel wax kula cuni kara. I don't like going to hamdi restaurant, the food is awesome and those who work there are friendly mind you it is just always full of guys and gets a bit uncomfortable.

 

I guess it would be nice and islamic to have two separate sides for men and women. Just my thoughts.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^Did you just say the guys who work at Xamdi are friendly? Which Xamdi is this, the one on Rexdale or Downtown? I've never been to the one in Downtown, but the one on Rexdale, GOSH, they don't come any ruder than that...NO customer service what's so ever...They used to have great service, but not any more... :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

KK, horta inaabti miyaad indho beeshay ,,,, bal fiiri meeshan waxa la isla dhacayo:

 

IMAG7637.JPG

 

 

Aaliyah, if it is that Hamdi i know , yes the place sucks ,, i don't like going to that place but a lot of ppl like it ,,, sheekooyinka iga soo maray lagamaba sheekayn karo ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

adiga ku jire cali aa tahay walaahi. canada, australia, somalia, europe iyo asia. ninyohow waan kaa yaabaye adigu ganacsade lacagi ka uraysana kaba darnide amaad kuwo Somaliland recognition u raadiyoo kabaha aduunka dacaladiisa kaga dhamaadeen ku jirtaa? if so Illaahay ha idiin sahlo that is heck of a job.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this