Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag ka tirsan Daacish oo qorsheynayay inay dilal geystaan oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay rag hubeysan oo ka tirsan Kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya.

War ka soo baxay hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in xubnahaasi oo garayay labo lagu soo qabtay howlgal gaar ah oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fuliyen banaanka magaalada Muqdisho.

NISA ayaa shaacisay in ragga la soo qabtay ay hubeysnaaayeen, islamarkaana ay damacsanaayeen in dalal qorsheysan ay ka geystaan gudaha Caasimada.

Sidoo kale warka ka soo baxay taliska NISA ayaa lagu sheegay in labo qof oo kale oo ka shaqeynayay shirkado ganacsi la soo qabtay, kuwaas oo haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Warkan laguma shaacin magacyada xubnaha gacanta lagu so dhigay iyo halka laga soo qabtay marka laga reebo in howlgalka uu ka dhacay duleedka Muqdisho.

“Howgal ay hay’adaha amnigu ka fuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta ku soo soo dhigeen laba dhagarqabe oo ka tirsan AS iyo hubkooda, iyagoo  maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale  ka ah shirkad ganacsi” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa kordhiyey howlgallada lagu xaqiijinayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this