FBISOMALIA

Galmudug agreement with xamar

Recommended Posts

FB_IMG_15617200295681938.jpg?w=1000&ssl=

Quote

 

War-murtiyeed maanta oo Jamce ah ka soo baxay kulan khamiistii yeesheen labada dhinac ayaa lagu sheegay in lagu heshiiyay qodobo ay kamid yihiin, in la dajiyo geeddi socod iyo hannaanka dib u heshiisiin iyo doorasho si loo helo Galmudug mideysan, in Galmudug ay qaadato kaalinta kaga aadan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka, in Dhuusamareeb ay si buuxda uga howl galaan hay’adaha amniga Federaalka iyo Galmudug si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay, iyo in dowladda Federaalka ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug.

Lama yaqaano in heshiiska Kheyre iyo Xaaf uu soo afjari doono iyo in kale khilaafka Galmudug curyaamiyay ee taagnaa mudada dheer.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka labada dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay magaalada Cadaado maalintii Khamiista ee ay taariikhdu ku beegnayd 27ka Juun, 2018.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay qodobo muhiim ah oo la xiriira arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka Galmudug iyo sidii loo dhammeyn lahaa kala aragti duwaanshaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.
Falanqeyn iyo wadatashi dheer keddib waxaa la isla meel dhigay qodobadan hoos ku xusan:

1-Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado.

2-Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Xaaf waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan.

3-In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteed kaga aadan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

4-Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb.

5-In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug.

PUNTLAND POST

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Good job. 

Ilaahay Ummad ma bedelo Ilaa iyagu bedelaan qalbigooda. 

This reconciliation and and agreements in Galmudug is straightening  the unity of the Somali people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

After the election of Galmudug, the federal government must allow them to manage their affairs and should not interfere again.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Apophis,

Soon we will see if the peace was genuine or bought just with money. Reer Galmudug must work hard and manage their affairs. The triangle divide of South Mudug, Cadaado and Dhuusamareeb must. Some people even believe that harmony in Galmudug might help the peace in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.