Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog laga helay kulan dhex maray R/Wasaare Kheyre iyo saraakiil Mareykan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Thomas D. Waldhauser oo ah taliyaha  Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya  Donald Yamamoto ayaa la sheegayaa in talaadadii ay magaalada Muqdisho kula kulmeen ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyaga oo kala hadlay sida Mareykanka diyaar ugu yahay iney Soomaaliya ka taageeraan soo-celinta amniga iyo xasiloonida.

Wadahadalka labad dhinac oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen madax badan oo ciidamada xoogga ka tirsan waxaa la sheegayaa in lagu soo qaaday la-dagaalanka Al-shabaab.

“Caawinta Mareykanka waxaa qeyb muhiim ah ka ah in aanu la shaqeyneyno dadka iyo dowladda Soomaaliyeed  si loo helo nabad iyo xasilooni”.

“Nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya waxaa ay micnaheedu tahay in gobolka oo dhan uu helo xasilooni. Waxaa ay micnaheedu tahay in dadka Soomaaliyeed ay awoodaan iney xoogga saaraan dib u dhiska iyo horumarka” ayuu intaasi raaciyey.

Mareykanka ayaa xarun ku leh Shabeellada hoose, waxaa ay si joogta ah u duuqeeyaan Al-shabaab, waxaa kale oo ay tababar siiyaan Danab oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this