Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Mar Kale Shaaciyey Inay Xoojinayaan Hawlgallada Ammaanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Ballanqaadkaasi ayaa lagu muujiyey Hadal-qoraal oo si wadajir ah looga soo saaray Kulan ay shalay Muqdisho ku yeesheen Saraakiil ka tirsan Soomaaliya, Taliyaha Hawlgalladda Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Soomaaliya, Donald Yamamoto.

yknak-640x430.jpg

Taliyaha AFRICOM iyo Danjiraha Maraykanka waxay ballan qaadeen inay xoojin doonaan Hawlgallada Ammaanka ee lagu taageerayo Deganaanshaha Somalia iyo Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Donald Yamamoto waxa uu tilmaamay in Taageeradda ay ka geysanayaan Ammaanka Somalai inay qeyb muhiim ah ka tahay dadaalka Maraykanka ee Soomaaliya iyo dadka Soomaaliya lagala shaqeynayo Ammaanka iyo Nabadda dalkooda.

Waxa uu intaasi ku daray in Deganaashaha iyo Nabadda Somalia micnaheedu tahay Deganaanshaha dheeriga ee Mandiqadda Geeska Afrika iyo inay dadka Soomaalida awoodaan inay diiradda saaraan dhismaha Mustaqbal Barwaaqo ah, waasida uu hadalka u dhigay.

Boqolaal Askar Maraykan ah ayaa ku sugan Saldhigyo ku yaalla gudaha Somalia, waxayna fuliyaan Hawlgallo ay Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM kaga taageeraan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab, kaasi oo bilowday sannadkii 2007-dii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this