Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin: Ciidamada DANAB oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa DANAB ay ka sameeyeen deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada DANAB ayaa howlgalka waxay ka sameeyeen deegaan ay ku sugnaayeen ururka Al Shabaab, sida saraakiisha ay sheegeen, waana saldhig ku yaala duleedka degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada DANAB ayaa sheegay inay howlgalkaasi fuliyeen, kadib markii ay heleen xog dhanka amaanka ah, iyaga oo ka hortagaya weeraro Al Shabaab ka geystaan deegaanada Jubbooyinka.

Taliyaha qeybta Ururka labaad ee Ciidanka DANAB ee Gobolka Jubbada Hoose Gaashaanle Muraal, ayaa sheegay in Ciidanka degan deegaanka Baarsanguuni ay fuliyeen howlgalkaas, isla markaan ay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab balse dhankooda aan wax khasaaro ah geysan.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan uu ku xigo doono kuwo kale oo laga fulayo deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo Al Shabaab ay ku sugan yihiin.

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa dhaq dhaqaaqyo waxa ay ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka halkaas oo ay ku beegsanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this