Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Dowlada Kenya oo kordhisay beegsiga muwaadiniinta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka fallanqeeya siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay maalmihii dambe  kordhisay cadaadiska ay saareyro dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaalida.

Dhowaan Kenya waxay dalkeeda ku xirtay afar qof oo uu ku jiro aqoonyahan lagu magacaabo Ibraahim Bursaliid oo dhaliili jiray boobka Kenya ee badda Soomaaliya

Maxamed Xaadir Nuur oo ka fallanqooda siyaasadda Geeska Afrika oo la hadlay warbaahinta Simba ee Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Kenya  ay bilowday in ay beegsato muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Kenya,

Waxa uu sheegay in Kenya taasi ay ugu gun leedahay in cadaadis ay ku saarto Soomaaliya, si ay dowladda soomaaliya uga tanaasusho dacwada badda ee hadda taala maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ.

Waxaa hadda aad looga cabsi qabaa in sidoo kale Kenya ay xabsiga dhigto aqoonyahanno kale oo Soomaaliyeed ama siyaasiyiin ku nool magaalada Nairobi.

Hoos ka dhageyso wareysiga Maxamed Xaadir Nuur

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/wareysi-siyaasi-2.mp3

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this