Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo Boolis ah oo isku dagaalay lacag baad ah oo laga qaaday baabuurta iyo arday ku dhaawacantay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyey Ciidamo kawada tirsan kuwa Booliska.

Iska hor imaadkaan ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho oo ah Bar Koontarool oo ay joogaan ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Iska hor imaadka ayaa imaaday kadib markii ay Ciidamada Booliska isku qabsadeyn lacag baad ah oo laga qaado Baabuurta Dadweynaha oo halkaas ka sameystay Busteejo laga raro gawaarida.

Sida wararka hordhaca ah sheegayaan waxaa halkaas ku dhaawacmay laba arday oo marayey Isgoyska.

labada arday ayaa midkood wuxuu ka dhaawacmay madaxa halka mid kalana uu dhaawac halis ah kasoo gaaray qeybaha dambe ee jirkiisa.

Labadii Askari ee is rasaaseeyey ayaa lasoo sheegayaa in lagu xiray Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan kadib markii ay dacwo ka gudbiyeen gaadiidleyda.

Sidoo kale rasaasta ay is dhaafsanayeen Ciidamadaan ayaa waxay dhibaato u geysatay gawaaridii halkaas ku sugnaa oo qaarkood ay ka daateen muraayadaha kadib  rasaas ku dhacday.

Gaadiidleyda oo tagay Saldhigga Degmada Hodan ayaa loo ballan qaaday in loo sameyn doono Miraayadaha Gawaaridooda.

Ciidamo katirsan Booliiska Dowladda ayaa lacago ka qaado Gawaarida ka dhex shaqeeya Goobaha kala wareegga oo noqotay Busteejo Gaadiidka Dadweynaha laga raro.

Sarakiisha Ciidamada Booliska ayaa weli xal u heli la’ inay joojiyaan baadda ay ciidamada Booliska ku hayaan Gawaarida isticmaasho jidadka Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this