Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudiga joogtada ah ee Golaha shacabka oo shir ku leh Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) –Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka u furmay Guddiga joogtada ayaa waxaa Shir guddoominay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,isla markaana waxaa ka soo qeyb galay inta badan xubnaha Guddiga joogta ah.

Ajendaha kulanka ayaa ah mudeynta dib u furida kulamada golaha, dejinta ajendayaasha golaha shacabka iyo warbixinta dhismaha cusub ee xarunta KMG ee Golaha Shacabka ee laga dhisayo xarunta Villa Hargeysa ee Maagaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa la badii asbuuc oo u dambeysay Fasax ku jiraya waxaana loo fasaxay 10 ka dambe ee Ramadaan,waxaana Guduga joogtada ah ka arinsanayaan sidii dib loogu furilahaa.

Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaan dhowr xeer oo ay u soo gudbiyeen Golaha wasiirada Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo dhawaan kulan la qaatay Gudoonka labada Gole ee barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in dadajiyaan sharciyada horyaala.

62018445_1551587471641853_23574039885229 62044838_1551587504975183_76490516800166

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this