Sign in to follow this  
Deeq A.

Degmadda Baraawe oo Xalay Tartanka Shabelle guul kala hoyatay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN): –Barnaamijka Tartan Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxaa xalay isku arkey Degmooyinka Hodan iyo Baraawe oo ka kala socdey Goboladda Banaadir iyo Shabellaha Hoose.

Tartan xiiso badan oo ay labadan Degmo oo kuwada jira Groupka A ay soo bandhigeen ayaa Guushu waxaa ay ku raacdey Degmadda Baraawe oo la timid Dhibco gaaraya 8 halka Degmadda Hodan oo laga adkaaday ay keensatay 6 Dhibcood oo kaliya.

Gudoomiyaha Gudiga Tartan Aqooneedka Shabelle Maxamed Axmed Jimcaalle oo natiijadda Tartanka Shaaciyey ayaa sheegay in Hodan looga Awood batay Tartankii xalay.

Caawa waxaa iska hor imaanaya Tartamayaasha Howl-wadaag iyo Kaxda oo kawada tirsan Gobolka Banaadir, labadan Degmo ayaa kazoo kala adkaaday Degmooyinka Baraawe iyo Hodan.

Tartan Aqooneedka Shabelle Sanadkan waxaa si wadajir ah u taabagalinaya Shirakaddaha Becco iyo Cococola.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this