Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaaraan iyo Afgooye oo ku tartamaya Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa caawa tartan aqooneedka Shabelle ku madalsan degmooyinka Kaaraan iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeeha Hoose.

Labadaani degmo ayaa sidoo kale u dambeey Groupka- D ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tartamayaasha Kaaraan iyo Afgooye ayaa haatan isu diyaarinaya ka qeyb galka barnaajinka caawa ee tartan aqooneedka Shabelle.

Xalay oo ay wada baratameen degmooyinka Cabdicasiis iyo Xamar Jajab ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan aad loogu riyaaqay.

Cabdicasiis ayaa la timid 10 dhibcood , halka Xamar Jajab ay keensatay 10 buundo,sidaasina waxa ay ku galeen barbar dhac.

Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyne ee Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coca Cola.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this