Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo U Muuqda In Uu Si Weyn U Dhibsaday Hadallada Bulshadu Marinayso Warbaahinta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulan la qaatay culimada waaweyn ee Somaliland ayaa kala hadlay laba arrimood oo uu doonayo in ay culimadu kala shaqayso wax ka qabashadooda kuwaas oo uu ku sheegay qabyaaladda iyo hadallada bulshadu mariso warbaahinta oo uu sheegay in ay been iyo hadallo fidno abuuraya ku jiraan.

Madaxweyne-Muuse-Biixi.png

Madaxweyne Biixi oo muddo kooban xilka hayay, islamarkaana mucaaradku ku eedeeyo in uu jidkii kali taliska hayo ayaa hadalkiisa laga dheehanaya in uu dhibsaday xorriyatul qawlka Somaliland goonida kaga tahay Geeska Afrika gaar ahaana arlada Soomaalidu degto waxaanu sheegay in uu wax ka qabanayo hadalladaasi warbaahinta la marinayo.

Madaxweynaha oo culimada la hadlaya ayaa yidhi “Culimada waxaanu ka codsanayna in aad laba arrin duco iyo xoog ba naga caawisaan, dalka laba dhibaato ayaa haysta’ mid waa qabyaaladda inkasta oo aynu 30 sanno oo dhaw-dhaw dawlad ahayn wali dadka waxa ku jirta fikrad ah is ilaali, reer waliba reerka la degan ayuu iska ilaalinaya waa dhibaato, haddii ay wax yari dhex maraan xabad baa qarxaysa, xabadduna tii barigii hore maahe maalin kaliya intaa la gumaadaya oo waa kii dawladaha oo kale waana masiibo u baahan in aynu xoog isugu gayno,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha oo intaasi raaciyay in aanay arrintaasi Somaliland kali ku ahayn laakiin, ay ka jirto dhammaan dhulka Soomaalidu degto.

Hase ahaatee wuxuu madaxweynuhu Somaliland ku kali yeelay mushkilad uu sheegay in ay tahay dad warbaahinta been ka sheegaya “Ta kale malaha Diinta iyo dadnimada toona kuma wanaagsana inta uu qof weyni meel isa soo taago fogaare ah oo waliba caalamka oo dhanna maqlayo oo casrigan imika bahaluhu (Warbaahinta) ay tuurayaan in uu qofka weyni been sheego, in uu qof aan ka gayin caayo, in uu dadka fidno aan jirin ka dhex yidhaahdo haddana aan lagu ceebaysan ee lala qaxweeye oo lala qoslo oo la isu yimaaddo uun. Waa Mucjiso waliba waxay gaar u tahay Somaliland, boqol Telefishan ayaa Af Soomaali ku hadla oo ka Somaliland uun bay waxaasi ka soo baxaan, waxay ila tahay arrintaana caqli celin iyo talo iyo sharci ba ha loo doono,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Biixi wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan Somaliland gaarka u ahi u baahan tahay wax ka qabasho “Arrintaas u gaarka ah Land-tana(Somaliland) waxaanu jecelahay in aynu iska waanino kana ducaysano dee sharci iyo caqlina iskaga qabano ilayn haddii kale xumaantii iyo samaantii ayaa isku milmaya haddii xumaanta la qaban waayo oo la suulin waayo dee way simayaan oo waxa isku mid noqonaya xumaantii iyo samaha, beentii iyo runtii baa isku mid noqonaya kii dadka isku dirayay iyo kii islaaxa samaynayay ayaan la kala garanayn, kii wanaagga waday iyo kii xumaanta waday baan la kala garanayn ilayn waa la caadaystee xalkaasina waa mid inoo gaar ah oo in aynu wax ka qabano doonayno,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi

Waxa kale oo madaxweynuhu yidhi “Dardaarankiinii waanu qaadanay oo ay koow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayaba dhanka Diinta laga bilaabo oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga Qaranka la ilaaliyo si wada jir ah, ciddii khalkhal galinaysa dalka xil kasta oo ay haysana gacan bir ah lagu qabto waayo malaha Diiniyan ba way tahay ee qofka xilka haya fidnada uu bilaaba way ka wayn tahay ta qofka caadiga ah sidaas darteed baa loo yidhaahda qofka xilka haya dambiga uu gala wuu ka sii weynaaada qofka caadiga ah ee kale ee aan xilka hayn, markaa haddii qof dambi galo ama qof dilo ama sharcigiiba dilo ama Qarankiiba wax ku wado dee garaaddo kasta oo uu sito haddii uu madaxweynaha yahay xilka xayuubin baa u taalla oo la saaraya, haddii madaxweynuhu umaddii fasahaadinayo waa in la qabta oo xeer baynu ka dhiganay, haddii wasiirkii xumaynayana waa in la qabta oo xeer baa laga dhigtay haddii uu xildhibaankii Qarankii kala duminayana xeer baynu ka dhiganay, marka in aynaan noqon dawlad dadka danyarta ah uun ku qabata dambiga ka madaxda ahi marka uu wax dumiyana ka daysa iyaduna waa inoo guddoon.”

Hadalka madaxweyne Biixi ayaa imanaya iyada oo xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool u xidhan yahay hadallo ka dhan ah 18-ka May oo uu saxaafadda mariyay. Waxa kale oo hadallo ay baraha bulshada ku faafiyeen u xidhan Maxamed Sidiiq Dhamme guddoomiyaha garabka dhallinyarada Waddani iyo Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this