Sign in to follow this  
Deeq A.

Baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray Xarunta Degmada Warta Nabadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Jugta qaraxa ayaa goordhow waxaa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Warta-Nabada ee Gobolkan Banaadir.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyey waxayaabaha qarxa oo lagu weeraray Xarunta degmada Wartanabada,waxaana qaraxa kadib degmooyinka Gobolka Banaadir laga arkayay Uuro cirka isku-shareertay.

Qaraxa halkaas lagu weeraray ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro isugu jiro naf iyo Maal, inkastoo aan tirada rasmiga ah la heyn.

Gaariga xarunta lagu soo weeraray ayaa lasoo sheegayaa inuu ahaa nooca raaxada ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in markii qaraxa uu dhacayay ay xarunta ka socotay Raashin qeybin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this