Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka taagan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo ( Sh.M.Network):-Waxaa saaka Xiisad xoogan ay ka taagan tahay Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.

Xiisadaan ayaa ka dhalatay Dagaal shalay ka dhacay Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo kadib markii ay isku dhaceen ilaalada mid ka mid ah Musharrixiinta u taagan doorashada Madaxweyne ee Jubbaland iyo Ciidamada Maamulkaasi.

Wararka ayaa tilmaamaya in xiisaddu timid kagadaal markii la isku dayay in la baaro Boorso uu sitay  Musharraxa Cabdinaasir Seeraar iyadoona la dhaawacay 3 ka mid ah ilaaladiisa.

Musharrax Cabdinaasir Seeraar oo ka hadlay dhacdadaas ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe in uu ka dambeeyay falkaasi , islamarkaana wixii haatan ka dambeeyo ay isaga iyo Axmed Madoobe u siman yihiin Magaalada Kismaayo haatan kadib sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba weli waxaa soconaya u diyaar Garowga Doorashada Madaxweyne ee maamulka Jubbaland iyadoona weli Musharrixiin kala duwan ay ku sii qul qulayaan Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this