Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Gacal Casir ” Hal Shaqsi lagalama tashan karo Aayaha Galmudug”.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe( Sh. M. Network):-Iyadoo weli Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland uu ka socdo shirka DFS iyo maamul Goboleedyada dalka islamarkaana qodobada la iskula soo qaaday ay ka mid tahay xaaladda Galmudug ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas.

Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in hal shaqsi aan lagala hadli Karin Maslaxadda Galmudug.

Dhinaca kale mar aan wax ka weydiinyay sida uu u arko hadal heynta ku saabsan in muddo Sanad dheeraad ah loo kordhiyo hoggaanka Galmudug ayuu xusay in wax weliba ay ka horeeyaan dib u heshiisiin la kala dhex dhigo dadka talada ku leh Masiirka Galmudug.

Hadalka Guddoomiye Casir ayaa muujinaya in weli Khilaaf xoogan uu ka dhex aloosan yahay Masuuliyiinta maamulkaasi Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this