Sign in to follow this  
Deeq A.

Dharkenley oo xaly guul ka gaartay dhiggeeda Wanlaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dagmada Dharkenley ayaa xalay guul u soo hoysay gobolka Banaadir, kadib markii ay ka badisay dhiggeeda degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Labadan degmo oo ku wada jiray Groupka B ayaa xalay ku kulmay is araga koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tartamayaasha Dharkenley oo qeybaha dambe ee Barnaamij la yimid dar dar xoogan ayaa keesaday 16 Dhibcood, halka Wanlaweyn ay la timid 12 Buundo.

Sidaasina waxaa xalay guusha ula hoyday degmada Dharkenley ee gobolka Banaaadir

Dhinaca kale waxaa caawa tartanka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku ballansan degmooyinka Wardhiigley iyo Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Waa labo degmo oo waa weyn oo ku xifaaltama dhinaca aqoonta, taas oo caawa kulanka u yeeleysa xiiso gooni ah.

Taaba gelinta  sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa BECO iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adulty Commercila Secondary School.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this