Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Duqeyn Uu Ka Geystay Puntland Ku Dilay Daacish-Tii Ugu Badneyd

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Taliska ciidammada Maraykanka ee Africom ayaa sheegay inay duqayn ay ka sameeyeen gobolka Bari ee maamulka Puntland ay ku dileen 13 qof oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Daacish.

DUQEYNTA-HIIRAAN-640x396.jpg

Talisku wuxuu sheegay in xogo sirdoon oo ay heleen ay u suurtagalisay inay bartilmaameedsadaan goobaha ay gabaadka ka dhigtaan kooxda Daacish, ku qarsadaan Hubka, ku tababaraan maleeshiyaadkooda.

Warsaxafadeedka waxaa lagu sheegay inaysan jirin waxyeelo dadka shacabka ah ka soo gaartay weerarkaasi, islamarkaana ay ogolyihiin in la baaro hadii ay yimaadaan macluumaad la xidhiidha dad waxyeelo soo gaartay.

Duqaynta lagu dilay maleeshiyaadka Daacish ayaa dhacday saqdii dhexe ee habeenkii Arbacada, waxayna ka dhacday ceel ku yaal degaanka Cameeyra oo ka tirsan degmada Iskushuban ee gobolka Bari.

Maraykanka ayaa weeraro cirka ah oo isdajooga waxaa ku bartilmaameedsanayaa Kooxda Daacish oo ku dhuumaalaysata buuralayd Cali Bari ee Puntland. Weeraradaas waxa ay ku dileen guddoomiye ku xigeen, ahaana madaxii dhaqaalaha ee Daacish, bishii April ee sanadkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this