Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada XOOGA oo u jiheystay Xarardheera iyo Al Shabaab oo laga saaray deegaano dhowr

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka ka imaanayo deegaano ka tirsan gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada xooga dalka iyo kuwa Galmudug ay ku wajahan yihiin degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalo ay si wadajir ah u fulinayeen ciidamada Nabad sugidda iyo kuwa meletariga Soomaaliya ayaa waxay kula wareegeen deegaanada Caad Camaara iyo Ceel Huur, kadib dagaal saacado qaatay oo halkaasi ka dhacay.

Dhaqdhaqaaqa Ciidamada oo xalay soo bilowday ayay ugu suuro gashay inay deegaano dhowr ah la wareegaan, waxaana la sheegay inay hadda doonayaan inay la wareegaan degmada Xarardheere.

Degmada Xarardheere ayaa ah saldhiga ugu weyn ee Al Shabaab ku leeyihiin gobolka Mudug, waxaana ay halkaasi maamulayeen sanado badan.

Saraakiisha ciidamada hogaamineyso ayaa sheegay in howlgalkaasi uu yahay mid la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada DANAB ay qeyb ka yihiin howlgalka, waxaana cabsi badan ay ka taagan tahay deegaanada Al Shabaab kaga sugan yihiin Galmudug.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah
Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this