Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war kasoo saartay go’aankii Kenya ku joojisay duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa ka baxday heshiis ay wada gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo ku aadanaa duulimaadyada diyaaradaha isaga kala gudba magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Heshiiskaasi ayaa dhigayay in diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho ay si toos ah u cago dhigtaan garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta, halkii markii hore ay mari jireen magaalada Wajeer, waxaana hadda dhamaan diyaaradaha ka baxa Muqdisho lagu sii baari doonaa magaalada Wajeer.

Dowladda Soomaaliya ayaa saacado kadib go’aanka dowladda Kenya waxay war kasoo saartay waxa ay kala socdaan go’aanka dowladda Kenya iyo dhankooda go’aanka ay qaadanayaan.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka warheyso go’aankaasi, islamarkaana aysan ogeyn sababta Kenya go’aankaasi u qaadatay.

Wuxuu sheegay in amaan ahaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uu ka wanaagsan yahay garoomo badan, balse Go’aanka Kenya ayuu sheegay iney u malaynayaan inuu arimo kale a xiriiro.

“Sida aad og thiin amaanka garoonkeena wuxuu ka sareeyaa amaanka garoomada kale, waxaan hubnaa inaysan sabab amni ay go’aankaasi u qaadan, waxyaabo kale ayaan fileynaa, waxaan sugeynaa xagooda”ayuu yiri Oomaar.

“Dhamaan waxaan la xiriirnay diyaaraha toos u aadi jiray Nairobi, way heystaan aqbaarta, diyaaradaha labo nooc ayay u kala baxaan kuwo UN-ka oo mar walbaa sii mari jiray Wajeer iyo kuwa Rajaabka oo Nairobi ka dagi jiray”

“Marka aan ogaano waxay doonayaan iyo sida ay howsha u joojinayaan ayaan annagana go’aan ka qaadan doonaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this