Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi oo baaq u diray Puntland kana dalbaday hal arrin

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa baaq nabadeed u direy dowladda Puntland, xili uu shalay qudbad u jeedinayay Aqoonyahan iyo Madax-dhaqameed kasoo jeeda beesha Warsangali oo uu ku qaabilay Madaxtooyada.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay iney Xukuumadiisu diyaar u tahay inay Puntland si nabada u wada macaamilaan, iyagoo aan ku xad-gudbeyn xuduudaha u dhaxeeya, wuxuuna yiri:

“Soomaaliya waxaanu xad kala leenahay waa intaa Puntland, intaa in Nabad kuwada noolaano oo wada baayac-mushtareyno, oo si wacan oo walaaltinima udhaqano, oo xadkuna kaa noo dhaxeeyo yahay baanu anagu diyaar unahay”.

Wuxuuna intaas kusii daray Madaxweyne Biixi “Bilaahi-caleykum bal uyara fiirsada meeshan yar ee carabta ee Abu Dubai, waa todoba imaaradood, waxaad mareysa meel yar oo ah meesha uu gaarigu ku wareego oo kale, dhinac mid baa canshuurta qaada, dhinaca kalena midbaa qaata canshuurta, waana walaalo oo wey wada noolyihiin, waana kala xad, maxaa noo diiday inaga iyo Puntland inaan sidaas iskula noolaano, anagana nabad baa naga go’an”.

Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa qudbadiisa kaga hadlay ciidamada Somaliland ay dhowaan geysay degmada Yube, wuxuuna yiri “Ciidamada Yubbe joogaa gobolka aad odayaasha ka tihiin bay nabadgelyadiisa u joogaan, nabadgelyada dadka ayey sugayaan iyo inay dadkana kala ilaaliyaan, cadowgana idinka ilaaliyaan, innaguna iskuma soo duuli karno oo xoog iskuma muquunin karno”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this