Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha S/land oo u ambabaxay Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (SMN) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u duulay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Biixi ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaasi oo uu soo diray diyaarad qaas ah.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda S/land Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay safarkaasi.

“Waxan doonayaa inaan halkan ummadda Somaliland uga baahiyo inuu jiro socdaal uu madaxweynahu ugu baxayo dalka Imaaraadka Carabta, waana socdaal gaaban oo maalin iyo laba aan dhaafsiisnayn oo uu madaxweynuhu shaqo ugu baxayo, waxana uu socdaalkaasi ku saabsan yahay xidhiidhadii iyo wax wada-qabsigii hore uga dhexeeyey labada dal, waxana raacaya xubno xukuumadda kamid ah.”ayuu yidhi wasiir Farotoon oo ka hadlayey ujeedadda socdaalka madaxweynaha

Waa booqashadii saddexaad ee uu Madaxweynaha Somaliland ku tagayo Imaaraadka, tan iyo markii loo doortay hoggaanka maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this