Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen Oo Diyaarado Drone Ah Ku Weeraray Sacuudi Carabiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay ka hor-tagtay laba diyaarad oo drone ah, kuwaas oo Xuutiyiinta Yemen ay kusoo weerareen, hase yeeshee shan qof, oo uu ku jiro canug, ay ku dhaawacmeen burburka diyaaradahaas.

88BCC358-9BC7-4F5D-9997-58274ADFA367_w10

Diyaaradahan ayaa beegsaday saldhigga ciidamada cirka Sacuudiga ee Khamis Mushait oo ku yaalla Koonfurta Galbeed ee dalkaas, sida uu Colonel Turki al-Maliki ku sheegay bayaan ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA.

Abaare 9:35 PM habeenkii talaadada, habka difaaca hawada ee boqortooyada waxay ogaadeen laba walxood oo aan la aqoonsan oo kusoo wajahan goobo shacab, waa laga hor-tagay waana la burburiyey” ayuu yidhi Cololnel Turki al-Maliki.

Mucaraadka Yemen ee Xuutiyiinta ayaa marar badan gantaalada riddada dhexe ku riday Sacuudiga, waxayna sidoo kale sheegteen weeraro lagu qaaday garoomada diyaaradaha Abu Dhabi iyo Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dhammaan gantaalada ay qabteen habkooda difaaca gantaalaha, hase yeeshee qof rayid uu ku dhintay firirkooda. Imaaraadka way beeniyeen in wax gantaalo ah lagu soo weeraray.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this