Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ka baadigoobaya gaari qarax sida

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo Laamaha Amniga waxaa magaalada Muqdisho Ciidamada Amniga ay raadinayaan gaari Laan guruusar ah oo Qarax ismiidaamin ah Al Shabaab udiyaariyeena inay weerar ku fuliyaan.

Waxeey Ciidamadu galeen feejignaan badan si looga hortego weeraro Qaraxyo ah kuwaasi oo laga cabsi qabo inay magaalada dhacaan.

Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed General Zakiya Xuseen Axmed Oo Shir Jaraa’id Ku Qabatay Muqdisho ayaa sheegtay Xogtaan ah in Gaadiid Ay Xarakada Al Shabaab Magaalada Xamar Soo Geliyeen si ay Qaraxyo ugu Abaabulaan.

General Zakiya waxay shacabka ka codsatay inay Lasoo wadaagaan hadii ay arkaan Gaariga hadda la raadinayo Xogtiisa hadii la arko.

Puntland Post

The post Ciidamada amaanka oo Muqdisho ka baadigoobaya gaari qarax sida appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this