Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Itoobiya Oo Dib U Dhigtay Tirakoobkii Qaran Arrimo Ammaan Awgood

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dawladda Itoobiya ayaa qorshaynaysa in ay dib u dhigto tirakoobkii qaran, iyadoo ay sababtana ku sheegtay dadka tirada badan ee guryahoodii uga qaxay colaaddaha, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaare Abiy Axmed.

d6dd89a5-4c7a-4710-be08-daa72ac179a6.jpg

Dadka hadda barakaca ku maqan waa in ay guryahooda ku laabtaan ka hor inta uusan billaaban tirakoobkan la qorshaynayay in uu dhaco 7 bisha Abriil, ayuu intaas ku sii daray xafiiskaasi.

Baarlamaanka ayaa go’aanka kama dambaysta ah leh, waxaana la waydiisan doonaa in ay aqbalaan in dib loo dhigo.

Tirakoobka ayaa dib loo dhigay labo jeer oo kala ah sannadkii 2017 iyo 2018, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda lala xiriiriyo ee FANA.

In kabadan hal milyan oo ruux ayaa ayaa ka barakacay guryahoodii, intooda badanna waxaa keenay isku dhacyo qowmiyado ku salaysan oo Itoobiya ku dhacay.

Dadka barakacayaasha ah waxaa ka mid ah Soomaali.

Tira koobka ayaa muhiim u ah ogaanshaha tirada bulshada, arrintaas oo saamayn ku leh cayimidda miisaaniyadda gobollada, arrintaas ayaana ah mid xasaasi ah oo dareen siyaasadeed dhalin karta.

Markii u dambaysay ee ay Itoobiya tirakoob qabato wuxuu ahaa sannadkii 2007, bulshada ayaana lagu qiyaasay 102.5 milyan oo ruux, arrintaas oo ka dhigaysa dalka ugu dad badan Afrika marka Nigeria laga reebo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this