Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn khasaaro geysatay oo ka dhacday Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shaabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in xalay duqeyn khasaaro geysatay laga fuliyay gobolkaasi.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay gaari marayay deegaanka Cadow-Dibile oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Lama oga illaa iyo hadda cida wadatay gaarigaasi la duqeeyay oo waxyeelo ka soo gaartay dadkii la socday.

Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan waxa ay baahiyeen in gaariga uu ahaa rakaab, islamarkaana duqeyntani ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah.

Weli ma jirto cid sheegatay masuuliyadda duqeyntaasi, balse inta badan Mareykanka ayaa duqeymo ka dhan ah Al Shabaab ka fuliya koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this