Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Khayre “Ma jiro askari aan la siin Mushaar”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)  – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ka qeyb galay Barnaamijka Dardargelinta isdhexgalka Bulshada iyo Hay’adaha Amniga ayaa si kulul uga hadlay arrimaha Mushaaraadka ciidamada xoogga Soomaaliyeed.

R/wasaare Khayre ayaa marka hore shaaca ka qaaday in askari kasta oo diiwan gashay la siiyay Mushaarkiisa, balse kuwa aan la siin aan weli  a diiwan galin.

“Maalmahan waxaa la lahaa Ciidamo ayaan mushaar la siin, qof aan mushaarkiisa iyo xuquuqdiisa la siin ma jiro, inta ay ka maqan tahayna waa in aan la diiwaan galin, fadlan geeya goobaha loogu tala galay, ku diiwaan galiya, Taliyeyaasha Ciidamada waxaan ka rabaa askari walba oo diiwaan gashan  oo dadka u adeegaya Mushaarkiisa, raashinkiisa iyo daryeelkiisa inay aniga igu yimaadaan”.ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Mushaaraadka ciidamada dowladda haatan lagu bixiyo canshuurta dalka, islamarkaana ay joogsatay lacago Mushaar ahaan ay u bixin jireen dalalka Mareykanka, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan ciidanka 12-ka April oo ka cabanayay Mushaar la’aan ay ka soo baxeen deegaanka Dhanaaane ee gobolka Sh/ Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this