Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha ciidamada xooga dalka oo weeraray AMISOM “Ciidamada DF ayay Gabaad ka dhigtaan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa weerar ku qaaday ciidamada AMISOM ee dagaalka kula jira Al Shabaab, isaga oo sheegay inay yihiin kuwo mar walbaa ku daba gambada ciidamada xooga dalka.

Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM oo qaata dhaqaalo badan, islamarkaana heysta hub casri ah ay ku gambadaan dhabarka ciidamada xooga dalka, isaga oo kala jeeday inaysan galin dagaalka ka dhanka Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay heystaa hub yaryar, balse ciidamada AMISOM ay maciin badaan inay gabaad ka dhigaan sida uu hadalka u dhigay taliya ciidamada xooga dalka Daahir Aadan Cilmi.

Waxaa uu xusay in dhaqaale ahaan ay Ciidamada AMISOM aad uga mushaar badanyihiin kuwa Soomaalida laakiin marka ay dagaal gaarto Ciidamada Soomaalida ay ku horreeyaan goobaha dagaalka dhimashada iyaga ku dhacdo.

Indha-qarshe ayaa yiri: “Ciidanka AMISOM ee kun kunka qaata,waxaa ay iyaga oo Taangiyo saaran daba socdaan Askarteenna oo ka hub iyo qalab yar”.

Amniga ayuu sheegay in uu yahay wax uu Shacabka leeyahay oo ay Ciidamada kala Shaqeeyaan, waxaana uu Shacabka ka dalbaday inay sugidda amniga kala Shaqeeyaan si loo helo nabad waarta.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe)   ayaa hadalkaan ka sheegay kulan amniga looga hadlayay oo lagu qabtay Muqdisho,waxaana xilligaas uu dagaal ka socday degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this