Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Dalka Newzealand

Recommended Posts

Deeq A.   

Wellington (SMN)- Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dashay weerar toogasho ah oo galinkii hore ee maanta lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka Newzealand.

Raga weerarka fuliyay oo sadex ahaa ayaa la sheegay in ay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud,waxayna durba rasaas ku fureen dad muslimiin ah oo Soomaali ay kamid ahaayeen oo ku jiray salaada jimcaha.

Sadex ruux oo Soomaali ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkaasi toogashada ah ee lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch oo ah tan sadexaad ee ugu dadka badan dalka Newzealand.

Lama shaacin magacyada sadexda ruux ee Soomaalida ah,balse masjidka uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in ay ku sugnaayeen dad badan oo ajaanib ah.

Laamaha amaanka ee dalkaasi iyo saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in mid kamid in weerarka toogashada ah lagu dilay in ka badan 40 ruux,isla markaana intaasi ay ka badanyihiin dhaawacyada weerarkaasi ka dhashay.

Sadex ruux oo mid kamid ah ay haweeney tahay ayaa loo soo qabtay weerarkaasi,waxaana booliiska ay sheegeen in ay sameyn doonaan  baaritaan ku aadan weerarkan.

Inta badan dalalka Islaamka ayaa cambaareeyay weerarkaasi lagu dilay tobanaanka ruux ee Soomaalida ay ku jiraan ee ka dhacay magaalada Christchurch ee dalkaasi Newzealand.

 

 

 

 

 

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this