Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyahii Ciidanka Daraawiishta Puntland Oo Is Casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyahii ciidanka daraawiishta Puntland Jeneraal Cabdi Shukri C/laahi Xuseen ayaa warqad uu isku casilayo waxa uu maanta u gudbiyey madaxweynaha maamulkaasi.

Wararka ay heshay Goobjoog ayaa waxay sheegeyaan in sababta uu isku casilay taliyaha ay tahay kadib markii ay madaxweyne Dani isku fahmi waayeen arrimo la xiriira xiisadda kala dhaxeysa Somaliland.

Taliyahan ayaa la tilmaamay inuu bixiyey ammar ah in jawaab la siiyo Somailland oo deegaanno hor leh kusoo duruqtay dhanka Puntland.

Balse madaxda sare ee maamulka Puntland ayaa ka horyimid go’aankaasi, taana waxay keentay inuu is casilo taliyaha.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this