Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo isku khilaaftay qorshaha dagaalka Somailand iyo Taliyaha ciidanka Daraawiishta oo is casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Taliyaha ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa la sheegay in warqad is-casilaad ah uu u gudbiyay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in sababta uu isku casilay Genaraal Cabdishakuur Cabdullaahi Xuseen oo ahaa Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland tahay in Madaxwayne Deni ay isku fahmi waayeen sidii Puntland ay uga falcelin lahayd dhaqdhaaqyada Soomaliland ay ka wado deegaano ka tirsan Puntland.

Wali Ma jirto faahfaahin rasmi ah uu  ka bixiyay Taliyaha  sababaha keenay inuu iska casilo xilkaasi.

Balse warar qaar  ayaa sheegaya inuu dhaliilsan yahay habkii looga falceliyey xiisadaha colaadeed ee ka taagan Gobolka Sanaag.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Taliyaha uu doonayey in Puntland Jawaab cad ka bixiso dhaq dhaqaadyada Somaliland ay ka wado halkaasi,hayeeshee Madaxtooyadda  arrinkaasi ay ka gaabsatay.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa inuu madaxweyne Deni jawaab ka bixiyo is casilaadda uu u gudbiyey Taliyaha ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this