Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo ka hadlay weerar ka dhacay Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Awdheegle (SMN) – Al Shabaab ayaa guulo sheegtay dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Daaru-Salaam ee gobolka Shabeelaha Hoose.

War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidanka Mareykanka, kuna dhaawaceen 2 askari oo kale.

Al Shabaab ayaa ku baahiyay bogagooda Internet-ka in ay la wareegeen hub iyo qalab milatari oo uu watay sarkaalka ay dileen.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkani ay ku dileen illaa 6 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Bangaraafta Soomaaliya oo xalay weerar ka fuliyay Daaru-Salaam oo todobo kiilo Mitir u jirta degmada Awdheegle ee gobolka Sh/ Hoose.

Dhanka kale DFS ayaa sheegtay in howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ay ku dishay illaa 8 xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Dowladda ayaa sidoo kale tilmaamtay in wax khasaare ah uusan ka soo gaarin shacabka howlgalkaasi, kuna soo dhamaaday guul.

Maalimihii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this