Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Jubbaland Oo Sheegtay Iney Damaanad Qaadeyso Amniga Musharraxiinta Maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray amarro ku aaddan doorashooyinka dhowaan la filayo iney ka dhacaan Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay gudiga ayaa lagu sheegay in maamulka Jubbaland uu damaanad qaadayo ammaanka guud ee musharraxiinta maamulkaasi.

Waxaa loo diiday musharraxiinta in ay sameystaan ilaalo gaar ah si aanu amniga qalqal u gelin, sidoo kalena musharraxiinta aan ku sugneyn gudaha deegaannada Jubbaland waxaa laga dalbaday iney soo wargeliyaan maamulka si amnigooda loo sugo.

Halkaan hoose ka akhriso:

Wareegto-Jubbaland.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this